Madaxweynaha Kenya oo Markale Magacaabay Wasiiradii uu Xilka ka qaaday, madaxweynaha dalka kenya ayaa markale magacaabay mar kale 10 wasiir iyo xeer ilaalihii dalkaasi madaxweynne WILLIAM RUTO wasiirada uu dib u magacaabay waxa ka mid ah 6 wasiir oo hore ugu tirsanaa golihiisa wasiirada ee toddobaadkii hore uu kala diray mudaharaadadaasii dalka gilgilay awgeed.
Madaxweynaha Kenya oo Markale Magacaabay Wasiiradii uu Xilka ka qaaday Wasiiirada ugu waaween ee xilialka ku soo noqday waxa ka mid ah, wasiirkii wasaarada arrimaha guddaha kitura oo hadana mar labaad loo magaacabay isla wasaaradda arrimaha guddaha iyo wasiir aadam barre ducaale oo isaguna xilikisii dib loogu soo celiyeey isagoo markii labaad noqonaya wasiirka wasaarada difaaca, wasiirada kale iyaguna la magacaabay ayaa kala ah wasiirka wasaarada caafimaadka, wasiirka wasaarada isgaadhsiinta iyo jidadka, wasiirka wasaarada isbadalka iyo cimillada, wasiirka wasaarada biyaha iyo waraabka, wasiirka wasaarada beeraha iyo xoolaha, wasiirka isgaadhsiinta, wasiirka wasaarada waxbarashada.
Madaxweynnaha willium ruto ayaa waxa cadaadisyo adag oo kaga imanaya dadka banaan baxyadda dhigaya, banaan baxyaddan oo 3 daxdii dadowaad ee u danbeeyey sii xoogysnayey ayaa waxa ay ku qasbeen madaxweynne WILLIUM RUTO inu uu guud ahaanba uu kala diro golihiisa wasiiradda balse lama oga dib u magaacabista qaar baddan oo ka mid aha golihiisa wasiiradu ay mar labaad ay dib ugu soo laabtaan taas oo soo laba kicin karto codsigii mudahaard iyo inay ay mudaharadayashu ay ku soo noqon doonaan mudahraadkii wasiirada awooda badan ee xilika dib ugu soo noqday.
Mudaharaadyada dalka kenya ayaa markii hore ka bilaabmeen cashuuro dheeraad ah oo ay dawladdu ay ku soo ragtay cuntooyinka quuto daruuriga ah sharcigaas oo barlamaankuna ay ansaxiyeen, balse madaxweynaha ayaa sharcigaasi laalay kadib markii cadaadis badan uu kala kulmaay mudaharadayaasha kasoo hor jeeda in la meel mariyo sharciga cashuuraha kordhinaya cuntooyinka quuto daruuriga ah.