Ruushka oo laga Cabsi qabo inuu hub siiyo Xuutiyiinta Yemen

Ruushka oo laga Cabsi qabo inuu hub siiyo Xuutiyiinta Yemen, haayada sirdoonka dalka mareenkanka ayaa soo saartay digniin la xidhiidha inay ay si weyn ay ugu cabsi qabaan ugna walaacsan yihiin in dawladda RUSSIA hub iyo gantaalo casrri ah ay siiso kooxda xuutiyiinta ee dalka yaman ee uu ugu tallo galay inuu kaga aar goosto taageerada MILITERI ee mareenkanka iyo xulufadiisu ay siinayaan dalka UKRAINE.

Ruushka oo laga Cabsi qabo inuu hub siiyo Xuutiyiinta Yemen Wargeeska THE WORLD STREET JOURNIER EE ka soo baxa dalka mareenkanka ayaa warbixin ay soo saareen haayadaha sirdoonka ee dalkaasi mareenkanka oo lagaga digay talaabooyinka uu rushku uu qaadayo ee uu ku xubeen karto xuutiyiinta dalka yaman, taasoo hadii ay dhacdo ay dhibaato weyn oo ammni iyo khatar weyn ay ku noqon karrto dalalka mareenkanka, ingiriiska iyo israail, oo ay kooxda xuutiyiintu ay dagaal kula jiraan.

Waxa kaloo ay warbixintu ay intaasi ay ku dartay inay dawllada mareenkanku ay waddo dadaalo dadban oo socda oo la doonayo in lagu qanciyo inaanu hub militari aanu uu u gudbin waddanka ruushku xuutiyiinta, sidoo kale dawwlada sucuudiga ayaa ku hawllan sidii ay waddanka ruushaka ay ugu dhaadhicin la’ahyd inaanu yaman siinin gantaalaha ridadda dhadheer leh.

Maddaxweyynaha rushka PUTIN ayaa bishii hore sheegay inuu dawladiisi ay sii xoogan ay u hubayn doonto cid kasta oo cadaw ku ah mareenkanka iyo xulafadiisa kadib markuu uu ka cadhooday go’aan ay qaateen reer galbeedka oo ah in UKRAINE ay dhulka RUSSIA ay ku weerari karto hubka iyo gantaalaha cassriga ah ee lagu caawiyeey, taasoo uu rushku sheegay inuu jawaab adag uu ka bixin doono.

Warbixinta hada soo baxday ee cabsida lagu muujiyeey inuu ruushku uu hubeeyey xuutiyiinta yamen, ayaa ku soo beegmaysa kadib markii xuuntiyiintu diyaarad shalay aan duuliyihu lahyn ay ku weerareen caasimada talaabiib ee ISRA’IIL taasoo sababtay khasaaru isku jirra dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed halka sidoo kale ay xuutiyiintu ay sii xoojiyeen weerarada ay la beegsanayaan maraakiibta maraya xeebta bada cas ee xidhiidhka la leh ISRAA’IL iyo xuutiyiin tiisa ee dalka mareenkanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *