Hogaamiyaha Xamaas Oo War Cusub Shaaicyey Maanta Iyo Jawiga Qasa

Hogaamiyaha Xamaas Oo War Cusub Shaaicyey Maanta Iyo Jawiga Qasa, hogaamiya xamaas ISMACIIL ayaa shaaca waxa uu ka qaday maanta inay dhankooda ay fududeeyeen talaabo kastoo lagu hirgalinaayo xabad joojinta ee QAZA lagu doonaayo inay ka hirgasho, sidoo kale waxaanu uu sheegay jawaabta ay xamaas ka bixiyeen soo jeedintii madaxweynaha mareekanka JOE BIDEN, ay xabad joojintu ay waafaqsan tahay mabaadiida ururkooda iyo sidoo kale u jeedada ay ka leeyihiin difaacista dalkooda iyo dadkoodba.

Hogaamiyaha Xamaas Oo War Cusub Shaaicyey Maanta Iyo Jawiga Qasa ISMACCIL HANIIYA oo qudbad ka jeediyey munaasibada ciidul adha isago ku sugan magaalada DOHA, ee caasimmada dalka QATAR ayaa waxa sidoo kale uu tilmaamay dagaalyahnayasha ee xamaas ay dhirbaaxo kulul ay ku dhufteen ciidamo yuhuuda oo duulaan ku soo qaaday dhulkooda xalay waxa u tilmaamay in marnaba ay macquul aheen in dhulkooda iyo dalkoodaba xoog lagu qabsado.

Waxa uuna ismaciil haniiya uu hoosta ka xariiqay in hadii israaill ay aqbali weydo soo jeedinta oo xalka u ah dagaalka QAZA oo iyaguna ay diyaar u yihiin dagaalka oo sii socda dhan walba diyaar ka yihiin hadlakaa hogaamiyuhu uu yidhi uu ku soo hagaagyaa kadib markii dagaalyahanada xamaas ay 8 sarakiil iyo askar iskugu jirta ay xili danbaa ay ku dileen koonfurta QAZA xili ay ciidamadaasi ay ka soo laabteen xawlagalo ay ka sameeyeen xaafado ee magaalada RAFAH, asakarta yuhuuda oo gaadhi la socdaya ayaa askarta xamaas ay la eegteen qarax weyn waxaan ciidamada israaill ay sheegeen inay wakhtigaan ay wadaan baadhitan la xidhiidha siday dhacdadasi ay xalay u dhacday.

Isla dhanka kale shacabka fastiniinta ee reer qaza ayaa ciidan, ciidul adaha ay u ciideen ama ka duweeneed siday u ciideen ciidihii hore dadka reer qaza ayaa ciidan waajahaya macluul, dagaalo, cafimaad darro iyo dhibaatooyin badanoo ay ku hayaan ciidamada israail ee halkaa ku dhibaateenaya shacabaka reer qaza ee falstiin mudoo 8 bilooda oo dagaalo halkaasi ay ka socdaan, kal hore ciidii hore ee ciidul adaha caruurta qaza waxay ay ahyeen kuwo faraxsan oo ku farxsan dharka quruxda badan ee loo iibiyeey waxa sidoo kale maalin farxadeed ay la qadanyeen eheladooda iyo waalindiintooda, see hadda ciidan ma haysan dhar iyo goobo ay ku ciyaaraan midkoodba.

Sawiro laga soo qaaday qaza waxa laga dheehanyaa caruuro yaryar oo ku dhex jira guryohoodii oo dhulka la siman oo burbursan sidoo kale ay dushoda ay ka muuqato diif iyo daruufo nololeed waloow qaza ay hore u ahyd mid liidata oo go’doosan xiliyadaa hore xitaa dagalka ka hor lakiin dadku waxay ahyeen kuwo dabaal dagi jiray maalmaha ciida iyadoo isku farxi jiray caruurtooda iyo qoysaskood salaamo ay ugu tagi jireen lakiin sanaadkani gabi ahaanba way ka baxaday meesha, hadda inta baddan qaza waa la burburiyeey shacabka magaalada oo gaadhyey ku dhawaad 2.3 million oo qofna intooda baddani way ay ka qaxeen guryohoodii wixii ka danbeeyey dagaalkii ay israail ay ku qaday shacabka reer QAZA.

Xaalka qaza uxuu ahaa mid cakiran waxaana socda dadaalada lagu doonayo dagaalka qaza lagu soo afjaro xabad joojin dhinacyada ahna laga hir galiyo labada dhincba waxaana la doonayaa in dhinacayda lagu cadaadiyo inay aqbalaan soo jeedinta madaxweynaha oo ah hindiso 3 waji ka kooban kaas oo lagu doonaayo in lagu soo afjarro dagaalka halkaa ka socda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *