Iran Oo Bilowday Diiwaangalinta murrashaxiinta Madaxwaynaha Kadib Geeridii Ibrahim Raisi

Iran Oo Bilowday Diiwaangalinta murrashaxiinta, iraan ayaa maanta waxay ay bilwday diwaan galinta iyo qabashada musharaxiinta u tartamaaya jagada madaxweynaha ee iran ee doorashada dag daga ah ee la galyo amba la qabanyo 28/june kadib geeridii madxweynihii iran EBRAHIM RAISI oo ku geeriyooday shil diyaradeed 19/may ee sannadkan, waxa bilaabmay tartan xamaasad leh oo dhax marya siyaasiyiinta damacu uu kaga jirro maddaxweynaha IRAN inay noqdaan kuwaas oo qaarba ay yihiin siyaasiyiin saameen weyn ku leh IRAN.

Iran Oo Bilowday Diiwaangalinta murrashaxiinta Diwaan galinta musharaxiintu waxay ay socon dontaa muddo shan, 5 malmood ah kadib na golaha u qaabilsan doorashada iyo shuruucda iran ayaa kala saari doonta musharaxiinta 7 cisho kadib diwaan galinta waa lagu dhawaaqi doona, ololaha doorashadana muddo 2 toddobaadna ah ayey qaadanaysa kidbana waxa la galayaa doorashada hore loo soo dadajiyey ee dhacaysa 28/june si markaasi loo doorto maddaxweynaha badali doona EBRAHIM RAISI isla markaasi uu baahiyey telefashiinka al jazeera iyo wakaalada wararka iran.

Durba waxa bilaabmatay eedeenta golaha kala saari doonta musharaxiinta ee loo yaqaano golhaha ilaalinta darooshoyinka kuwaaso siyaasiyiinta mucaaradka ee mayalka adagi ay ku eedeenayaan inay wadaan qorsho ay ku reebayaan musharaxiinta mayalka adag ee tartanka kaasi ka qayb galaya, waxaani siyaasiyiintasi ay dalbanayaan in gudidaasi la kala diro sida ugu dhakhsiyaha badan amaba sidoo kale il gaara oo cadaalada lagu eego.

Siyaasiyiinta ugu fadalada cad cad ee u tartamaya doorashada madaxweynaha ee iran waxa ka mid ah maddxeynha kumeel gaadhka ee dalka iran MAXAMED MUKHBEER, afhayeen hore ee barlamaanka, taliyihii hore ee hogaanka ee hogaamiyaha ugu sareeya iran siciid jariiri oo ah madaxahii hore ee xafiiska NUCLUER ka oo toos u soo hoos yimaada hogaamoiyaha u sareeya ee iran AYATUL LAH CALI.

Doorashadan oo ah doorashadii tii 14aad ee iran ka dhacada waxa lagu soo dooran doonaa madaxweynaha oo badalaya madaxweynihii geeriyooday ee IBRAHIM RAISI oo bishan dhintatay oo ku dhintay shil diyaradeed ilaayo haddan waxa la soo warinayaa ama la sheegyaa ilaa 30 qof ku dhawaad oo musharaxiina ay xareesteen codsiyadooda la xidhiidha ka qayb galka ee tartanka doorashada, shuruudaha waaweyn ee lagu xidhaya musharaxiinta ee u tartamaya jagada madaxtooyada waxa ka mid ah, in dadoodu ay u dhaxayso 40 ilyo 75 jir, iyo sidoo kale inuu haysto ugu yaraan shahaadada labaad ee jaaamacada ee master la yidhaado sida uu dhigayo shuruucda dalka iran.

Doorashadani iran ka dhacaysa waxa marka hore ay qorsheesneed inay dhacdo sannadka 2025, lakiin hore ayaa loo soo dhigay kadib markii shil diyaradeed uu ku geeriyooday madaxeyne IBRAHIMI RAISI iyo wasirkii arrimha dibbada ee dalkaasi iyo masuuliyiin ka tiran dalkaasi oo la socday, waxaana la qabanayaa doorashadasi 28/june ee sannadkan 2024.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *