Laba Milyan qof oo Tigray ah ayaa macaluul u Dhimanaya

Laba Milyan qof oo Tigray ah ayaa macaluul u Dhimanaya, xaalad bini’aadantimo oo aad u liidata ayaa ka jirta gobolka TIGERYGA, ee waqooyiga dalka itoobiya waxaana iskugu darsamay abaaro iyo colaadihii 2 sanno halkaa ka socday, saraaiisha deeganka ayaa ka digaya in laba milyan oo qof ay macluul qarka u saaran yihiin una baahan yihiin DAGDAG AH.

Laba Milyan qof oo Tigray ah ayaa macaluul u Dhimanaya BBC DA ayey u suurto gashay in ay gaadho meelaha macluusha laga so sheegayo waxaanay wareesatay dadka baahida qaba iyadoo warbixin laga diyaariyeey xaaladan loo adeegsado muuqalo iyo sawirro laga qaaday dayax gacmeed kuwaasoo goobihii biyaha lagu hali jiray ay angageen kadib markii sanadkii hore ay baaqdeen roobabkii di laa ee guga sannadkani wali aan la helin roobab waxaana meesha ka baxay mirihii la beeran lahaa bishan JULY oo la goosan lahaa xiliga jilaalka.

Biyo xidheenka koorir oo 45km dhanka waqooyi uga jirra magaalada caasimadda u ah gobolka TIGREEGA ee MAQALA ayaana biyo ku jirrin waxaana ka faaidaysan jiray beerlayda halkaasi ku suggan warbixintani bbc da ayaa lagu xusay in meelaha qaar ay ka jiraan xeryo qoxoonti oo mid ka mida u dhaw magaalada SHIRE ay ku noolyihiin 30,000 oo qof waxaana gacanta ku haya haayada aha qarmmada midoobeed.

Dadka TIGREYGA oo lagu qiyaaso 6 ilaayo 7 millyan oo qof ayaa boqolaal kuna oo ka mid ahi waxay ku dhinteen dagaalkii 2 sanno u dhaxeeyey dawwlada iyo URURKA TPLF waxa kaloo ay dadku u dhinteen sida warbixinta lagu sheegayo ama lagu xusay abaaro iyo caafimaad darro, tigerygu waxay ku jiraan macluul la mid ah tii dhacday sanadii 1984 markaasi dad ka badnaa 1 million oo qofi ay u dhinteen macluul lakiin madaxaa haayada maareenta masiibooyinka ee dawwlada fadaraalka ee itoobiya waxay ay sheegeen inaanay ay heenin qiimeen sax ah isla markaasina xaalad halis ah oo macluul muujinaysa aanay ka jirin gobolka tigray ga iyo meel kaloo ka tirsan ETHIOPIA.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *