Madaxda Caalamka ee ka falcelisay Dilka Ismaaciil Haniyah,guud ahaanba waxa caalamka si weyn u gilgilshay geerida xanuuunka badan ee ku timid hogaamiyihii hore ee ururka XAMAAS,ee reer falstiin kasoo lagu dilay wadanka IRAN, gaar ahaan tihraan ee caasimada wadankaasi.
Madaxda Caalamka ee ka falcelisay Dilka Ismaaciil Haniyah Hogaamiyaal badan waxa ay ka fal celiyeen geeridaasi naxadinta leh iyo dilkaasi arxan darada ah ee lagula kacay hogaamiyihii hore ee uruka xamaas ee ka dagaalama dalka falstiin, waxa ka mid ah wadamdaasi dalalka RUSSIA,QATAE,TURKEY, iyo sidoo kale ururka xisbulah sidoo kale waxa ka hadlay madaweynaha falstiin maxamuud cabaas.
Sidoo kale wasaarada arrimaha dibadda ee QATAR ayaa bayaan ay soo sartay waxa ay ku sheegtay inay ay si kulul ay u canbaareenayso dilkii madaxii xamaas ISMACIL HANIYA, ee lagu dilay magaalada TIHRAN ee waddanka IRAN, wasaaradan waxay ay xaqiijinaysaa in dilkan iyo habdhaqanka taxadar la’aanta ah ee ISRA’IIL ay si joogta ah ay u beegsanayso dadka rayidka ah ee reer falastiin ee QAZA, ay u hoorseedi doonto inay halkaasi ay fawdo ay ka bilaabmaan oo wiiqmo fursadaha nabadda halkaasi ee hadda jira.
Sidoo kale xisbullah oo qoraal ka soo saartay dilkan ISMACIIL HANIYA ayaa waxa ay sheegtay in dilka haniya uu xoojin doono go’aanka iyo madax adeega dagaal yahanada isgacaabinta ay ka dhigi doonto go’aankooda mid adag si ay ula dagaalamaan ISRA’IIL.
Madaxweynnaha falstiin maxamuud cabaas ayaa sidoo kale ku tilmaamay dilka ISMACIL HANIYA fal fulaynimaa oo halis ah waxa sidoo kale uu ugu baaqay reer falstiin inay ay midoobaan oo ay is dajiyaan una adkeestaan wajiyadda gumeesiga ee ISRA’IIL, maamulka falstiiniyiinta ee uu hogaamiya maxamuud cabaas ayaa maamula daanta galbeed oo ah aag kooban halka inta badan ay ISRA’IIL ay gacanta ku hayso.
Wasaarada arrimaha dibadda ee dalka RUSSIA ayaa dilka HANIYA ku tilmaantay dil siyaasadeed aan gabi ahaanba la aqbali karrin sida ay sheegtay warbaahinta dawllada dalkaasi.