Masar Oo Maxkamadda Gaynaysa Shirkado Lagu Eedeeyey Xujaajtii Ku Geriyootey Xajka

Masar Oo Maxkamadda Gaynaysa Shirkado Lagu Eedeeyey Xujaajtii Ku Geriyootey Xajka, dawllada masar ayaa liisamadii ganacsi kala laabtay ama kala noqotay isla markaasana ay dacwad ay ku soo oogtaay qaar ka mid ah shirkaddaha ka shaqeeya arrimaha soo saarista VISA yaasha ee dalkaasi ka dib markii la ogaaday in xajikii sannadkan ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 530 qof oo ka mid ah xujaajta MASAR.

Masar Oo Maxkamadda Gaynaysa Shirkado Lagu Eedeeyey Xujaajtii Ku Geriyootey Xajka Guddi gaar ah oo dawllada masar oo sheegtay inay cilmi baadhisa ay ku soo sameeso ama sameeyaan sababa aha keenay in muwaadiyiin baddani oo ku geeriyoodaan xajjkan sanaddkani ayaa waxa la sheegay in lala xisaabtami doono shirkaddaha ka shaqeeya soo saarista arrimaha viisayaasha dalalka kale isla markaasna sida gaarka ugu shaqeenayey hawllaha xajaka waxaana dawwlada masar ay liisankii ay kala noqotay ugu yaraan 16 shirakadood ah kuwa visayaasha dalalka soo saara iyadoo sidaasoo kalana shirkadahaasi loo gudbiyeey xeer ilaalinta dacwadd ka dhan ah.

Sida maanta ay faafisay wakaalada wararka ee REUTERS, guddida gaarka ah ee dawlladu ay u soo saartay musiibada ka dhacday xajjka ee maddax uu u yahay rasar wasaaraha dalkaasi ayaa la sheegay in shirkadaahasi ay ku guuldareesteen inay xujaajtii ay kaxeeyeen ay u fidiyaan adeegyadii loo baahna oo markaasi ay ka mid tahay adeegyada caafimaadka oo dadka xujaajta ihi ay baahi badan ay u qabeen.

Waxa kaloo oo shirkaddahani ay masar dacwwada ay ku soo oogtay liisankii ganagsina ay kala noqtotay ayaa lagu haystaa in dadkii hujaajta aha ee sannadkani soo gudanyey xajjka qarkood ay u soo saareen fiisayaal shakhsi ah oo kuwa gaarka ah halka markii hore ay ahyd inay bixiyaan fiisayaasha gaarka ah ee xajjka lagu tagaayo iyadoo markaasina dawwlaa sucuudigu uu adeegyda caafimaad kaliya ay u fidaiso dadka kaliya ee sita fiisayaasha xajjka balse aan wax adeegyaa aan siinin dadka ku soo safray fiisayaasha booqoshooyinka ee caadiga ah ee dalkaasi.

Waxaana dawwlada masar ay sheegtay in arintaasi ay qayb ka noqotay in xujaaj badanni ay sanadkani ay kaga geeriyoodaan xajjka, waxa kaloo ay dawwlada masar ay sheegtay in xujaajta reer masar ee fisayaasha shakhsiyaadka ama dalxiiska loo soo saaro ay markii ay tageen dalka sucuudiga ay safar luga ay ku tageen magaalada makka iyadoo socod dheer ku maray saxaraha xili kulaylka halkaa ka jiira uu ahaa mid aad u sareeya taasoo la sheegay inay aheed sabab baha keenay in xujaaj badani ay geeriyoodaan, xujaaj aad u badan oo dalal baddan ka soo jeeda ayaa sannadkan ku geeriyooday xajjka.

Iyadoo xujaajaa halkaa ku geeriyooday tiradoodu ay ka badan tahay kun qof 1,000 xujaajta ugu baddani waxay ka geeriyoodeen dalka masar waana sababta dawladdu masar ay wakhtigan talaabda ay u qaaday maadaama ay xajkaa ay ku geeriyoodeen in ka badan 530 qof oo ka mid ah xujaajtii reer masar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *