Qoraalkan Qaylada Badan dhaliyay Ilaayo xalay ilaayo manta waxay hadal hayn badni ka taagneed warqad la sheegay inay ka soo baxaday ciidanka qaranka somaliland kasoo bulshada reer somaliland ay si wayn ay u hadal hayeen warqadan oo u muuqatay inay xabaarsaneed arimo siyaasadeed oo aan hore farah ula galin jirin ciidamada qaranku ayaa waxay u muuqatay in ciidamada qaranku inay faro galiyeen siyaasadii arimaha dibada iyadoo yaab iyo fajac ku noqotay Qoraalkan Qaylada Badan dhaliyay bulshada reer somaliland.
Warqadan ay ciidamadu qaranku saacado gudohood ay laba jeer kala hadleen ayaa nuxur ahaan xambaarsaneed qodobo kala duwan balse waxa si gaara indhaha bulshada usoo jiidatay qaybo warqadaasi ka mid ah oo lagu sheegay in somaliland ay xulafo la noqon doonto wadamada CHINA,IRAN,RUSSIA hadii xisbiyada mucaaradku doorashadan soo socota ay ku guulaystaan taasoo lagaga hor tagi karo kaliya reer galbeedka hantiyaan shacabka reer somaliland.
Waxa kaloo warqadan lagu faafiyey qaar ka mida warbaahinta taageeraha ay reer galbeedku siiyaan ciidamada kala duwan ee SOMALIA.
Hadaba markay soo baxdaay warqadani waxa isla markiba ka jawaabay xisibiga mucaaradka somaliland ee WADDANI, iyadoo arqadaasi uu soo saaray MAXAMUUD JAAMAC oo ah xog haya warfaafinta xisbiga WADDANI oo ku sheegay in ciidanka qaranka lagu aqaanay dhexdhexaadin oo farah la galay arrimaha siyaasada.
Arrintan hadal haynta keentay ayaa ku soo beegmaysa xili ay loodiyaar garoobayo doorashada dhici doonta sanaadkan lagu guda jiro 13/11/2024 ee ka qabsoomaan dalka somaliland loona arkay mid olollo siyaasadeed lagu talo galay tasoo dhaawac ku ah sumcada ciidanka jamhuuriyada somaliland oo aan hore arimahanoo kale aan soo fara gashan jirin.
Inkastoo ciidanka qaranka ay laba jeer ka hadleen arrintan oo ay beeniyen ayaa hadan waxay tilmameen in aanay warqadni ay si rasmi ah uga bixin taliska ciidanka balse ay ka baxday qof ka tirsan ciidamada qaranka SOMALILAND.
warqadaa oo jahawareer ku riday ci kasto ka mid bulshada reer somaliland.