Soomaalida oo looga baaqay in ay ka guuraan dhulka ay ku nool yihiin, todobadaadii ugu danbeeyey waxa baraha bulshada is qabsatay dood u dhaxeeyey xidhiidhka somalida oo xiisad ku dhax abuurtay dadka madawga ah ee africa iyo soomalida kadib markii dhalinyaro soomali ah ay muuqalo soo duubeen kuwo kalana ay wareesiyo ay bixiyeen ay ku sheegeen inaanay farac ku laheen madawga africa.
Soomaalida oo looga baaqay in ay ka guuraan dhulka ay ku nool yihiin Waxaanay ku sheegeen in ay ka muuqaal duwan yihiin marka la eego saantooda oo khafiifa, sankooda yar iyo timahoodoo jilicsan dad badan oo moddowa oo ka mid yihiin kuwo caan ka ah baraha bulshada iyo aqoonyahhano ayaa ka fal celiyeey arrintani waxaanay soomalida ay ugu baqeen inay iimaan sadaan asalkooda oo ah african nimo isla markaasina ay ka kaaftoomaan doodooda muddada dheer jirtay ee ah inay markii hore ay ahyeen ama ka yimadeen ASIA galbeed gaar ahaan jasiiradaa carabta.
Waxaanay dadkan madawga ahi ay sheegeen inay jiraan dad kaloo oo african ah oo carab aan ahyn lakiin leh midab khafiifa iyo timmo jilicsan iyadoo qaarkood tusaalo u soo qaatay qoomiyada xoolo dhaqatada ah ee folaani ee dagta dalka nigeria iyo waddamo kaloo ku yaala galbeedka africa lakiin qoomiyadaasi ay tahay mid aaminsan inay yihiin dad arican ah.
Arimaha kale ee dadka madawga ahi ay tusaalo u soo qaateen ee somalida kaga aragti diwan yihiin waxa ka mid ah in marka soomalidu ay tagaan waqooyiga america iyo yurub ay sheegtaan inay ay yihiin somali, tasoo ka soocaysa dadka madawga ah ee ka yimaada africa oo iyagu dhamaantood sheegta inay yihiin african
Barta TIKTOK oo ah meesha ugu baddan ee hadal haynta arrintani ay ka socoto ayaa soomalidu ay heegan ugu jiraan iyagoo faalooyin ka bixinaya muuqlada iyaga lagaga hadlayo lagu durayo waxaanay ay xoojinayaan sheegasadoda ah inaanay dadka madow waxba la wadaagin lakiin dhulkoodu uu ka tirsan yahay africa, qaar ka mid ah dadka maddow ah ee hadlay oo aad u cadheesanaa waxay ay soomalida ay u soo jeediyeen inay ay ka guuraan halka ay dagan yihiin geeska africa uguna hayaamaan CARABTA, lakiin qaar ka mid ah dadkaasi waxay ay ku taliyeen in dhulka soomalida laga sooco africa inteeda kale.
Inabadan oo taarikhyaanka ka mid ihi ay aamisan yihiin in soomalidu ay yihiin dad iska dhal ah oo ka dhex abuurmay asian iyo african madow oo guur uu dhex maray waana sababata mar walba muranka galisa faraca saxda ah ee soomalida.