Sucuudiga oo meesha ka saaray heshiis uu Mareykanka kula jiray ee ahaa shidaalka, sucuudigu waxa uu go’aan ku gaadhay inaanu cusboonaysiin heshiish uu mareekanka uu kula jiray oo ahaa in shidaalka lagu kala iibsado lacagta DOLLAR ka oo kaliya, xukuumada RIYYAD ayaa diiday cusboonaysiinta heshiishkani uu wakhtigiisu uu dhamaaday 9 kii bishanni june.
Sacuudigu hadda waxa uu ku iibin doonaa shidaalka uu soo saaro lacagow ay ka mid yihiin lacagta shiinaha, jaban iyo euro da ay isticmaalaan dalalka yurub waxa kaloo lagu iibin doonaa lacagta DIGITAL KA ee BITCOIN heshiishkan waxa mareekanaka iyo sucuudi arabia markii ugu horeesay ay kala saxeexdeen 08/06/1974, waxaanu uu dhigayey in shdaalka sucuudiga lagu iibin karro lacagta DOLLAR ka oo kaliya isla markaasna labada dal waxa ay yeelanayeen is kaashi militaria mareekanku dhankooda waxay ay u arkayeen hishiishkan mid faaido badan u leh dhaqaale ahaan dhanka sucuudiga na ka dhigayeey dal qani ah.
Sucuudiga oo meesha ka saaray heshiis uu Mareykanka kula jiray ee ahaa shidaalka Sidoo kale waxa uu u sahaleyeey dhanka mareekanka in heshiishkan mid la mid ah ay la gali karaan dalalka kale ee saliida soo saara ee carbeed, sucuudiga oo dhaqaalihiisa furfuray ayaa waxa uu ka mid noqday nidaamka la yidhaahdo M BRIDGE oo ah suuq kulmiya bangiyadda dhexe ee mareekanka, dalalka middawga reer yurub waddamo ku yaala africa, asia iyo austrelia iyo sidoo kale haayada lacagta aduunka IMF iyo baanka aduunka.
Riyaad waxay ay qorsheeshay in dhaqaaleheedu aanu uu ku tiirsanaan lacag kaliya iyo waddan gaar ah waxaana ay xidhiidh wanaagsan ay la yeelatay shiinaha iyo hindi, oo uu xidhiidhkoodu uu korayo waaxa kaloo ay boqrtooyadu ay doonaysaa in ay raad ku yeelato qaarada africa iyadoo u diyaarisay balaayiin dollar oo maalgalin ah.
Mareekanku waxa uu wadda siday ay sheegyaan wararka diblu maalsiyadeed dadaal uu ku qancinayo siduu sucuudigu uu mar kale uu u saxeexi lahaa heshishkaasi shidaalka iyadoo sucuudigu la siinayo damaanad qaad ammni oo buuxa maadaamoo xiisadi ay ka dhaxayso dalka IRAN iyadoo mareekanku uu aaminsanayahay in iran ay adeegsan kartto shiicada ku nool guddaha sucuudiga, bahrain, kuweit, yemen iyo cumaan waaana dagaal aan toos aheen oo dhex mari kara tihraan iyo riyyad