Xujaajta Taagan Buurta Carrafo Oo Kulaylkii Ugu Badnaa Waajahaya Maanta, xujaajta tiradoodu ay ka badan tahay 1.8m oo qof ayaa maanta istaagay buurta carafa oo masaafo ahaan 20km u jirta magaalada barakysan ee MAKA AL MUKKARAMA, kuwasoo ku guda jiray gudashashada maalamaha barakysan ee xajjka, xujaajta maanta taagan buurta ARRAFA ayaa waxay ay gudunoyaan mid ka mid ah rukumada ugu muhiimsan ee guddashada xajjka ama dadka xujaajta ahi looga baahnyahay inay fuliyaan kana mid ah shurrdaha ugu waaween uu xajjku uu leeyahay.
Xujaajta Taagan Buurta Carrafo Oo Kulaylkii Ugu Badnaa Waajahaya Maanta Iyadoo dadka xujaajta ahi subxanimadii maanta ay u soo baxeen dhinnaca carrafo waxaan buurta dusheeda gaadheen duhurkii iyagoo halkaa ku tukaday salaadaha duhurka iyo casarkaa iyadoo halkaa isku mar ay ku wada tukadeen waxa sidoo kale ay dhageesteen khudbadii carrafo, waxa oo kale xujaajtu manta galinkii danbe ay ku jiraan ducoyin iyo cibaadooyinka la gutto marka la joogo buurta carrafa iyadoo halkaasi loogu ducooyo ummada muslimiinta halka si gaara loogu ducooyiyey dadka reer falstiin iyo guud ahaan ummada muslimiinta dhibaatooyinku ay haystaan.
Dadka muslimiinta ee sannadkan aan furrsada u helin inay xajkka tagaan waxa iyagana loga baahnyhy inay soomaan maalinta carrafo oo soonka laga heloo fadli badan oo ah danbi dhaafka sannadkii tagay iyo ka soo socdaba, sida axaadiis baddani ay ka soo aroortay, geesta kale xujaajta maanta tagay buurta carrafo waxay la kulmayeen kulayl xad dhaafa oo ka jiray dalkaasi sucuudiga gaar ahaana magaalada makka iyo hareereheeda iyadoo heel kulka cimilada halkaasi uu maryeye 43 degree, dawwlada sucuudigu waxa ay sameesay dadaalo fara baddan oo ku doodnayso dadka halkaasi iskugu imid ee xad dhaafka ahi qoboojiyaal loogu xidho meelo baddan.